Qarax Gaari oo Goordhow ka dhacay Afaafka Hore ee Degmda Maxaas.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Deegaanka ee ku Sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hortagay gaari Laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxo kaasi oo Lagu qarxiyay Koontaroolka Laga galo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Majiro wax khasaaro nafeed ah ee Ka dhashay Qaraxa marka laga reeba Wadiyahii Gaariga La qarxiyey.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Maxaas ku sugan ayaa sheegay in ay ka war haayeen Gaariga qaraxa, Degmada Maxaas waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud iyo Masuuliyiin Kale.
Amaanka Degmada maxaas ayaa si weyn loo Adkeeyay waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada Dowlada iyo Kuwa ATMIS.