Ciidamada Amaanka dowlada oo sheegay howgalo ay sameeyeen in ay ka soo qabteen sargaal katirsanaa Alshabab

Ciidamada amaanka dowladda SOomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho waxaa ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo laga fuliyay xalay xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa lagu sheegay in lagu qabtay sarkaal ka tirsan qeybta Amniyaadka ee AL-shabaab kaas oo aan magaciisa la sheegin.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay guriga uu ninkaasi ku sugnaa sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amaanka waxaana ay halkaas ka soo wateen sarkaalka.

Waxaa ay u qaadeen goobaha lagu baaro dadka loo soo qabto in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab si rasmi ahna looma ogaan magaca Ninka saraakiisha ku faaneen in ay xalay gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay faah faahin ka bixiyaan ninka ay sheegeen in ay xalay ka soo qabteen Xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid.