Ciidamada Amaanka Oo Saaka howgalo kawada Gaalkacyo

Wararka saakay laga helayo koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan Ciidamada Ammaanka Magaaladaas, kadib markii xalay lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Koonfurta Magalada Gaalkacyo oo uu Maamulo Maamulka Galmudug waxaa ay ku dileen Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxmaan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamada xasilinta ayaa howlgalka wada ay wadaan wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar ee Koonfurta Magalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay in howlgalkaas ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Howlgalka ayaa saakay waxaa uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga kala duwan ee Magalada Gaalkacyo,waxana weli wax faah faahin ah ka bixin howlgalladaas Ciidamada Ammaanka Magalada Gaalkacyo.

Bilihii u dambeysay waxaa aad u xumaaday Ammaanka Magalada Gaalkacyo,waxana lagu dilay Laba Sarkaal oo ka kala tirsanaa Nabadsugida Galmudug & Qaramada Midoobay.