Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay halkaasi ka sameeyeen howlgal dad badan lagu qab qabtay.
Howlgalka ayaa ciidamada waxa ay ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magalada Garoowe,waxaana dadka badi lagu qabtay ay ahaayeen dhalinyaro lala xiriirinayo falal amnidarro inay ka geystaan Magaalada Garoowe.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa qaarkood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in dhalinyarada howlgalka lagu qabtay ay yihiin kuwo ku eedaysan dhaca Mobeelada iyo wixii lamid ah.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Shacabka Magalada Garoowe ay ka cawdeen dhalinyaro xilliyada habeenkii dadka Shacbaka ah dhac u geysanaya,waxaana saraakiisha ay sheegeen in dadka la qabtay ay ku sameyn doonaan baaritaano adag.