Ciidamada AMISOM Oo lawareegaya goobaha doorashooyinka Kismaanyo

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa saakay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ku aadan sidii Ciidamada AMISOM   ku sugan Magaaladaas ay ula wareegi lahaayeen Ammaanka Xarumaha la filayo inay ka dhacaan doorashooyinka Maamulka Jubbaland.

Ciidamo ka tirsan Booliska AMIOSM iyo Booliska Jubbaland ayaa qorsuhu yahay inay amniga Xarumahaas la wareegaan, sida uu shalay sheegay Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Musharixiinta Madaxweynaha Jubaland gaar ahaan kuwa la Magac baxay Isbeddel-doonka ayaa horay waxaa ay shaki uga muujiyeen dhinaca Amniga,isla markaana ay sheegeen inaysan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan Magaalada Kismaayo.

Shalay waxaa Magaalada Kismaayo gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo,waxaana Arrimaha Ammaanka xilliyada doorashada uu kala hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland,isla markaana ay ka wada qeyb qaataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Si kastaba Magalada Kismaayo ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii horay uga dhacay ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe,waxana sanadkaan uu la kulmayaa loolan adag oo uga imaanaya Musharixiinta la magac baxay isbeddel-doonka iyo Dowladda Soomaaliya.