Ciidamada ammaanka ee Kenya oo bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda AS deegaanno ku yaalla xadka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda AS deegaanno ku yaalla xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, kaddib markii ay heleen xog ku saabsan xubno ka tirsan kooxda oo la sheegay inay si qarsoodi ah ugu kala gudbayeen labada dal.

Howlgalladan oo ay hoggaaminayaan ciidamada militariga, ayaa waxaa garab ku siinaya cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee GSU. Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada ayaa dadka deegaanka weydiinaya su’aalo la xiriira dhaqdhaqaaqyo ay ku arkeen dad aan deegaankaas u dhalan oo isaga kala gudbaya xuduudda.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in bilaha ugu dambeeya ee sanadka ay kooxda AS inta badan kordhiso weerarrada ka dhanka ah shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee dalka Kenya.

Dowladda Nairobi ayaa hore u soo bandhigtay dad isugu jira muwaadiniin Kenyan ah iyo ajaanib, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay isku dayayeen inay u gudbaan Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda AS.