Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraanee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen gudaha degmada Jalalaqsi, ayna gacanta ku soo dhigeen nin si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.
Eedeysanaha oo lagu magacaab Maxamed Cabdullaahi Cismaan ayaa loo haystaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle.
Ninkan oo isku dayay inuu baxsado ayaa waxaa la sheegay inay qabteen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ugu wareejiyeen ciidamada ammaanka oo haatan gacanta ku haya.
Saraakiisha ammaanka ee degmada ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, maadaama lasoo xiray eedeysanahay.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh,m si maxkamad loo soo taago.
Falkan argagaxa leh ayaa naxtin ku abuuray dadka deegaanka oo si aad ah u hadal haya dhacdadaasi oo ugub ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraam.