Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hub fara badan oo laga soo qabtay Hotel Elite, iyadoo howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga caasimadda Muqdisho. Howlgalkan ayaa yimid kadib dhacdooyinkii amni-darro ee dhawaan ka dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis, halkaas oo maleeshiyaad hubeysan ay weerarro ka geysteen, taasoo keentay in la adkeeyo baaritaannada iyo raadinta hubka sharci-darrada ah.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta kula hadlay hotelka, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan hub kala duwan oo ay ku jiraan hub culus iyo hub awood u leh inuu waxyeello ka geysto masaafo fog. Waxa uu tilmaamay in hubkan lagu kaydinayay goobo kala duwan oo magaalada ku yaalla, islamarkaana Hotel Elite uu ka mid ahaa meelaha lagu arkay hubkaasi.
Taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalka uu yahay mid qorsheysan oo qayb ka ah dadaal joogto ah oo lagu baacsanayo kooxaha iyo shaqsiyaadka sida sharci-darrada ah u haysta hubka. Waxa uu xusay in qaar ka mid ah hubka la qabtay lala xiriirinayo maleeshiyaadkii ku lugta lahaa falalkii amni-darrada ahaa ee ka dhacay degmooyinka magaalada, halka hub kale lagu sheegay inuu ahaa mid cusub oo loo diyaarinayay in lagu abuuro qalalaase iyo xasillooni-darro.
Mahdi Cumar Muumin ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgalada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah, isla markaana aan la aqbali doonin in guryo, xarumo ganacsi ama goobo kale lagu keydiyo hub aan sharci loo haysan. Wuxuu uga digay shacabka iyo ganacsatada inay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha arrimaha la xiriira kaydinta ama qarinta hubka noocan ah.
Dhanka kale, taliyuhu wuxuu beeniyay warar sheegaya in howlgalka uu sababay waxyeello ama dhibaato ka dhacday hotelka. Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay si xirfad leh u fuliyeen waajibaadkooda, ayna xaqiijiyeen badqabka shaqaalaha, ilaalada iyo dadka kale ee ku sugnaa goobta intii uu socday howlgalka.
Howlgalkan ayaa muujinaya dadaallada ay hay’adaha ammaanku ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan amniga Muqdisho, iyagoo xoojinaya la dagaallanka hubka sharci-darrada ah iyo kooxaha lagu eedeeyo inay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida magaalada. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u soo bandhigtay hub kale oo laga qabtay maleeshiyaadkii ku lug lahaa weerarradii ka dhacay Howlwadaag iyo Cabdicasiis, taasoo muujinaysa in howlgalada amniga ay wali si joogto ah uga socdaan gobolka Banaadir.