Ciidamada Amniga Oo Dhalin yaro Kuxiray Magaalada Garowe

Ciidamada Amniga Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa Howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada waxa ay ku soo qab qabteen dhalinyaro xilliyada habeenkii geysata falalka la xiriira dhaca iyo dilka.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame (Galangooli) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaro dhibaatada ku hayay shacabka.

Wuxuu sheegay in qaarkood markii la waayay oo ay baxsadeen Ciidamadu ay soo xireen waalidiintii dhalay si ay u keenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu ka hadlay Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Togga wayn ee dhexmara Magaalada Garowe, wuxuuna sheegay Taliyaha in gabadhaasi laga kaxaystay xaafadii ay daganayd, isaga oo sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah raggii falkaasi sameeyay ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame ayaa Waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi dhaca, dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa Magaalada Garowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan.