Wararka aan ka heleyno deegaanka Mirig ee u dhaxeeya Mareergur iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ay saaka aroortii weerar qorsheysan ku qaadeen kooxo burcad ah oo jidgooyo u taalay deegaankaasi kuwaasi oo dhibaateynayey dadka masaafirka ah ee wadadaasi isticmaalayey.
Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen ciidamada kala duwan ee maamulka sida Booliiska iyo ciidamada Amniga gaarka ah, waxaa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Amniga ee Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna, Taliye Aidid Mohamed Ali. Saraakiisha hogaamineysay howlgalka oo aan xariir la sameynay ayaa inoo sheegay in kooxdii burcada ee xalay saqdii dhexe dhigtay isbaarada deegaanka Mirig, ay gacanta ku dhigeen 3 ka mid ah halka ay baxsadeen labo ka mid ah burcadaasi.
Sidoo kale, saraakiisha ayaa Radio Galgaduud u sheegay in xogtaan ay kazoo wadaageen dadka deegaanka iyo gaadiidleeyda wadada marayey, isla markaasine ay ciidamada ay adeegsadeen gawaari shacab ah sidaasina ay ku gaareen goobta ay kooxdaan burcada ah ku sugnaayeen.
Horaantii toddobaadkii na soo dhaafay ayey ciidamada maamulka ay howlgal ka fuliyeen deegaan aan sidaasi uga dheereyn ee u dhaxeeya Mareergur iyo Godinlabe, balse weerarkaasi waxa dhaawac kazoo gaaray mid ka mid kooxdii jidgooyada u taalay, oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Dhuusamareeb.
Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa lagu tilmaamaa in deegaanada ay ka arrimiyaan uu ka mid yahay meelaha ugu ammaanka badan Soomaaliya, iyada oo uu sii dheer yahay dagaallada culus ee ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab 10-kii sano ee ugu dambeysay.