Ciidamada Badda Turkiga iyo Ciidamada Soomaaliya Oo Tababar Wadajir Ah Ku Qaatay Biyaha Soomaaliya

Ciidamada Badda ee Turkey iyo Taliska Dugsiga Ciidanka ee Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u fuliyay tababar militari oo heer sare ah, kaas oo lagu qabtay maraakiibta dagaalka ee Turkiga ee ku sugan biyaha Somalia.

Tababarkan wadajirka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka badda iyo sugidda amniga xeebaha dalka. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha ciidamada, isku-duwidda hawlgallada badda, iyo sare u qaadista awoodda difaaca ee ciidamada badda.

Sidoo kale, ciidamada ka qeyb galay tababarka ayaa lagu baray hababka casriga ah ee howlgalada badda, la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta, iyo farsamooyinka difaaca iyo weerarka ee lagu isticmaalo xaaladaha kala duwan ee amniga badda.

Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u waday taageerada dhanka tababarka, qalabaynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada badda, taas oo qayb ka ah iskaashi istiraatiiji ah oo labada dal ka dhexeeya.

Ugu dambeyn, tababarkan wadajirka ah ayaa lagu tilmaamay mid sii xoojinaya xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana kor u qaadaya awoodda ciidamada badda Soomaaliyeed si ay u ilaaliyaan amniga biyaha dalka iyo la dagaallanka khataraha ka jira badda.