Ciidamada Boliiska Puntland Oo Sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Kooxo dadka katahriibiya Magaalada Bosaaso

Laamha amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqeen howlgal ka dhan ah ddka tahriibaya iyo Kooxaha wax tahriibiya ee mukhalisiinta loo yaqaano.

Magalada boosaaso ee ah Xarunta Gobolka Bari ayaa inta badan waxaa ka baxa dad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan,kuwaas oo inta badan u tahriiba dalka Yaman si ay ugu sii gudbaan dalka Sacuudiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janreaal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Ciidamada Booliska uu ku amrayo inay ka hor-tagaan cid kasta oo isku-dayda inay dadka tahriibiso.

Baraha Koontorool ee deegaanada Puntland Ciidamada ku sugan ayuu ku amray inay gacanta ku dhigaan dadka doonaya inay tahriibaan,waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciidamadii koontoroolkooda ay ka soo gudbaan dad tahriibayaal ah.

Puntland ayaa horay tiro ka dhowr jeer isku-dayday inay joojiso tahriibka,isla markaana la xir xiray qaar ka mid ah mukhalisiinta,balse aan lagu guuleysan joojinta tahriibka.