Ciidamada Booliiska Degmada Guriceel ayaa ku guulaystay Qabashada Askari Dad Shacab ah dhaawacay.

Nin hubeysan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa labo qof ku dhaawacay degmada Guriceel, gaar ahaan aagga Quraca Xadiyo Cad, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaasi.

Ciidamada Booliska oo si degdeg ah u gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ninka eedeysan, waxaana haatan socda baaritaanno la xiriira sababta keentay dhacdadan.

Warbaahinta Galgaduud oo xiriir la sameysay Taliye ku-xigeenka Booliiska degmada Guriceel Maxamed Maxamuud Cali (Seeraar) ayaa xaqiijiyey in laamaha ammaanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan eedeysanaha, isla markaana uu ku xiran yahay Saldhigga Booliiska, halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in labada qof ee la dhaawacay mid kamid ah uu yahay shacab, halka kan kalena uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda, isla markaana ay wada socdeen xilliga uu falku dhacay.

Laamaha ammaanka ayaa ballan qaaday in baaritaanka kadib war rasmi ah laga soo saari doono dhacdadan.