Ciidamada Booliiska gobolka Mudug Oo howlgalo kasameeyey Magaalada gaalkacyo

Taliye ku xigeenka Booliiska gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ka sameeyeen ciidamada amaanka.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag jidgooyooyin dhiganayay oo shacabka dhibaato u geysanayay, waxa uu xusay in ay sii wadayaan howlgalada amniga lagu xaqiijinayo iyo kuwa looga hortagayo amni darada gobolka.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si gacanta loogu dhigo ammaanka guud ee gobolka.

Hawlgalladan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska Mudug ee loo aas aasay xasilinta xaaladaha gobolka ka dhaca, waxayna mar walba sameeyaan hawlgallo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Waxaa muuqata in ay kordheen wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka iyo ka hor tagista rabshado mar kale magaaladaa ku soo celin kara dagaallo ku dhexmaray dhinacyada Galmudug iyo Puntland.