Ciidamada Booliiska Muqdisho oo gacan kusoo dhigay nin dil ka geystay D/Kaaraan.

Ciidanka Boliiska saldhigga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedeysan inuu xalay degmadaas ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle, isaga oo ku dilay tooreey kadibna ka qaatay teleefankiisii gacanta, sida uu taliska Boliisku bulshada u sheegay.

Eedeysanaha oo lagu qabtay Xaafadda Jamhuuriya ayaa haatan lagu soo xiray saldhigga Degmada Kaaraan, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda Ciidamada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka.