Ciidamada Booliska Oo Mudisho ku Soo Bandhigay Rag Carruur Afduubtay

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka ayaa Magacyadda Raggaas ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labada nin lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Labadaasi Nin ayaa Carruurta waxa ay ka soo afduubteen xaafada ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,balse Ciidaamdu ay durba gacanta ku soo dhigeen.

Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta.