Ciidamada Danab Oo Fuliyay Howlgal Lagu Qabtay Saraakiil Ka Tirsanaa Al-Shabaab(Akhriso Magacyada)

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay howlgal ay fuliyeen ku soo qabteyn laba Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Masuuliyin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka gobolkaas Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada labada Sarkaal oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada Sarkaal ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdi Kariin Abuu Xamza oo Shabaab u qabilsnaa dhanka Maaliyadda iyo Sheekh Muudeey oo dhanka Amniyaadka u qaabilsanaa,isla markaana ka mid ahaa Saraakiisha Shabaab ee ku soo tababartay dalka Afgaanistaan.

Gudoomiye ku xgeenka Shabeellaah Hoose aya sidoo kale sheegay in Saraakiishaan ka tirsanaa Shabaab lagu haayo Xarumo Ciidamada dowladda ku leeyihiin Shabeellaha Hoose,kuwaas oo lagu soo wareejin doono laamaha amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in sidoo kale weli ay socdaan howlgallo kale,isla marakaana lagu raad joogo Saraakiil kale oo ka tirsan Shabaab oo ay xogo ka heleen,kuwaas oo la socday Saraakiisha ay qabteyn sida uu hadalka u dhigay.

Weli Al-Shabaab kama hadlin Saraakiisha ka tirsanaa oo Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uu Caawa sheegay in holwgal laga fuliyay degmada Awdheegle lagu qabtay.