Ciidamada deegaanka iyo Xooga Dalka Oo Dagaal Culus kula wareegay Saldhigiii kooxda AS ee degaanka Cali-Yabaal

Saldhigii ugu waynaa kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Cali Yabaal ayaa goordhoweyd la bur-buriyay, waxaana hadda socda dagaal culus.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigaasi oo kooxda ay ku laheyd dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka socda deegaanka Cali Yabaal waxaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa shacabka hubeysan ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobihii Shabaab-ka saldhiga u ahaa, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda.