Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeedm gaar ahaan ururka 26-aad guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa fashiliyay qarax ay kooxda ku diyaarisay waddada aada dhinaca beeraha ee magaalada Buulo-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.
Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaann dadka mara waddadaasi, balse la fashiliyay.
Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in ku guuleysteen in soo saaraan miinada, kadibna ay qarxiyaan, ayada oo aan gaystan wax khasaare ah.
Sawirrada miinadan ayay soo bandhigeen ciidamada howlgalkan sameeyay, kuwaas oo si xirfadeysan usoo furay miinada ay dhigeen Al-Shabaab.
Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weeraro ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda.