Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah kana furtay HUB

Wararka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyeen agagaarka degmad Ceeldheer, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaay Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 xubnood, isla markaana laga soo furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadka lagu khaarijiyay howlgalka.

Ciidamada ayaa weli sii wada howlgalkooda, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi.