Ciidamada DFS oo sheegay in ay dileen 10 dagaalame oo ka tirsan AS Duleedka Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo jigooyo u taallay kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 10 Shabaab ah oo isbaarada ku sugnaa, kuwaas oo go’doomin ku haayey gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga  Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay Xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa Deegaanka Jameeco iyo Degmada Buur-hakaba,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Hawlgalkaas ayaa dhacay salaadii maqrib ee xalay, waxaana lagu dilay 10 ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee goobtaas lagu weeraray.

“Goobta hawlgalku ka dhacay waxay ahayd bar koontorool oo AS ku qaadanaysay Lacago Baad ah, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalka Baay,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalkaan lagu yiri, “Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo shalay Al-Shabaab lagu laayey howlgal kale oo dhacay degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale howlgalka ka dhacay Buurhakaba wuxuu imaanaya xilli cunaqabateyn adag ay Al-Shabaab ku soo rogeen gobolka Bay, taas oo dhalisay qeylo dhaan iyo sicir-barar ka taagan magaalooyin ay ugu horeyso Baydhaba.