Ciidamada Dowlada iyo AMISOM Oo Howlgalo kawada Sh/dhexe

Howlgal ballaaran oo ka dhan  Al-Shabaab ayaa ka bilwoday degaanno ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe,iyadoo waqtiyadii ugu dambeeyey Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay fariisimo military ka sameystay degaanno dhowr ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolkaasi.

Goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ka sameysteen waxaa kamid ah degaanada Gololey iyo Haanshiikh Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ayaa ujeedka ay ciidamadaasi fariisinka uga sameysteen halkaasi ku sheegay in ay tahay ka hortaga Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan waddooyinka inta lagu guda jiro safarka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan Weeraradda Al-Shabaab ee degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.