Ciidamada Dowlada iyo Shabaab oo ku Dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal  geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada lambar konton ee Gobolkaas,waxaana la sheegay in uu yimid ka dib markii ay Al-Shabaab soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay warbaahinta  u sheegeen in dagaalka xoogiisa uu Maanta ka dhacay deegaanada kala ah  Buushka iyo deegaano kale,isla markaana ay iska-difaaceen Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday.

Saraakiishu masheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaas labada dhinac ka soo gaarey.

Dhinaca kale  dadka deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi soo wajaahday maadaama dhowr mar uu halkaasi ka dhacay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.