Ciidamada Dowlada Kenya Oo Burburiyay Guryo Dad Rayid Ah Ay Ka Deganaayeen Balad-Xaawo Iyo Xiisad Ka Taagan

Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysa dadka degmadaas iyo ciidamada Kenya,kadib markii Kenya ay markale hamisay in ay dib u bilaawdo dhismaha darbiga ay dooneyso in ay ka dhusto halkaas.

Waxgaradka Magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya oo wata Gaadiidkooda dagaalka ay gudaha Balad Xaawo soo galeen,isla markaana dadka Magaalada ay iyana sameynayeen qorshooyin ay uga hortagayaan sida uu warbaahinta  u sheegay mid ka mid ah waxgaradka Magaaladaas.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan dowladda Kenya uu qorshaheedu uu yahay in ay dhisto derbiga,iyada oo ku soo xadgudubtay xaduudka dalkeena,laakin taasi ay waxka qaban waayeen maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dowladda oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in arrintaan ay soo farageliyaan maadaama uu sheegay in dalka lagu soo xadgudbay.