Ciidamada dowlada kenya oo lagu ee deeyay in ay kufsi kageysteen Beledxaawo

Kornell Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa Ciidamada Kenya ku eedeeyay iney kufsi ka geysteen degaano ka mid ah gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in 5 Haween oo ka mid Haweenka magaalada Baladxaawo iney geeyeen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandheere halkaasina ay dhibaato badan ugu geysteen.

Korneelka ayaa sidoo kale sheegay qaar ka mid ah haweenkaasi ay dhinteen kuwa kalena ay Kufsadeen sida uu sheegay.

Kornell Aadan Rufle oo wareysi siinaayay warbaahinta ayaa sheegay in ay hayaan cadeyo ku saabsan arrintaan, Ciidamada Kenya ay barakac iyo dhibaato joogto ah ku hayaan shacabka gobolka Gedo.