Ciidamada dowlada oo dagaal kula wareegay degaanka moqokori

Hiiraan-GNNFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Moqokori Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxa uu ka dhacay gudaha degaankaasi.

Dagaalkan oo bilowday aroortii hore ee saakay ayaa socday saacad iyo wax ka badan, wuxuuna dagaalka yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka ay weerareen degaanka oo ay gacanta ku hayeen Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo weerarkooda uu ahaa mid abaabulan ayaa ugu dambeyn la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Moqokori.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay Ciidamada Dowladda in weerar jarmaad ah ay ku qaadeen degaankan, dagaal kadibna ay u suuragashay in Shabaab ay ka saaraan halkaasi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah.

Shabaabka dhankooda weli kama aanay hadlin dagaalkan iyo sida ay wax u dhaceen, dadka degaanka waxay inoo sheegeen in ay dareemayaan cabsi ku aadan in markale uu dhaco dagaal.