Ciidamada Dowlada oo deegaano hor leh Kala Wareegay Al-Shabaab

Howlgal  Amniga lagu xajiijinayay  ayaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulkaas, iyada oo la sheegay in ay tuulooyin dhowr ah la wareegeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedkoodu uu ahaa inay tuulooyinkaas ka saaraan xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana tuulooyinkii ay howlgalka ka sameeyeen ay ka saareen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo howlgalka horkacayay ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen tuulooyinka Goof-Gaduud buureey, Awdiinle,buulo Jebi iyo tuulooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha oo la hadlayay dadka ku nool deegaanadii ay la wareegeen ayaa ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan,isla markaana ay ka hortagaan dhibaatooyin uu sheegay inay iyaga ku hayaan.

Howlgalkaan laga sameeyay tuulooyin hoostaga Magalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli laba Cisha ka hor Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa taabacsan muqtaar Roobow oo u xiran dowladda howlgal ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Xudur ay kula wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.