Ciidamada dowlada oo Dhaq dhaqaaqyo Ciidan kawada Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo,halkaas oo shalay Gelinkii dambe ay madaafiic isku weydaarsadeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah waxa ay ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Garbahaareey,waxaana la sheegay in madaafiicdaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Carruur,kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday degmada Balad Xaawo.

Wariyeyaal ku sugan degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in saakay ay Ciidamada Dowlada wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Garbahaareey.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mararka qaar duleedka degmada Garbahaareey laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda,kuwaas oo howlgallo halkaasi ka wada,hayeeshee aan weli la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen howlgalka ay wadaan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in qorshahoodu uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen tuulooyinka hoostaga Garbahaareey,wallow dhowr jeer hadaladaas ay sheegeen balse aysan dhaqan gelin.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer saldhigyo ay Ciidamada Dowlada & kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin waxaa weerar kusoo qaaday Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay iska difaacaan.