Ciidamada Dowlada Oo gacanta ku dhigay Rag lagu tuhun Sanyahay in Ay Katir Sanyihii Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 11aad ee qaybta 43aad ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Jamaame Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa ay kusoo qabteen Saddex ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,kuwaasi oo xiliga la soo qabanayay saarnaa gaadiid ay leeyihiin shacab.

Taliska Guutada 11aad ee qaybta 43aad ee Ciidanka Xooggga ayaa tilmaamay in ragga ka soo qabtay ay saarnaayeen mid kamid ah gaadiidka shacabka,isla markaana ay wateen qaraxyo iyo miinooyin.

Taliska guutada 11aad ee qaybta 43aad ayaa hawl gall ay ka sameeyeen tuulooyin hoos tago Jamaame waxayna Ciidamada gacanta ku soo dhigeen sadex kamid Al-shabaab oo gaadiidka shacabka saarnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Taliska Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.