Ciidamada Dowlada oo Hawlgallo ka dhan ah Shabaab kawada degmada Diinsoor

Si loo xaqiijiyo amniga Degmada Diinsoor iyo Degaano kale oo degmadaasi hoostaga ayaa ciidamada xoogga dalka maalmahan waxa ay halkaasi ka wadaan hawlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Degaanada howlgalada ay ka socdaan ayaa shacabka ku sugan waxa ay ururka Al-shabaab kala kulmayaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid tahay in laga qaado waxyaabaha Shabaabka ay u garanayaan sakawaadka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Diinsoor Xasan Cali Yarow, Taliyaha Ciidanka Koonfur Galbeed Taliye Shiine iyo Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur ayaa hoggaaminaya hawlgaladan.

Taliyaha Ciidamada ee Degmada Diinsoor Xasan Cali Yarow oo la hadlay TV-ga KGS ayaa waxa uu sheegay  in hawlgaladan ay socon doonaan inta Shabaab lagaga saarayo guud ahaan degmada Diinsoor iyo deegaanada hoostaga.

Wuxuu kaloo sheegay hawlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen in ay ka gaareen guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay haben iyo maalinba diyaar u yihiin in ay cadowga ka difaacaan shacabka.