Ciidamada Dowlada Oo howgalo Amaanka Lagi Xaqiijinayo kawada Magaalada Beydhabo

Ciidanka Booliska ayaa howlgallo ka wadda Magaalada Baydhabo Ee xarunta Gobolka Baay.

Howlgallada ayaa ka socda Xaafadda Wadajir oo ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Baydhabo, waxaana ciidanka ay baarayaan Guryaha ku yaalla si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Ciidanka Booliska ayaa maalmo ka hor sheegay in la adkeyn doona Ammaanka Magaalada Baydhabo,Maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda dowladda dhexe, beesha Caalamka iyo xildhibaano.

Howlgalkaan ayaa yimid ka dib markii Weerar ahaa Bambaano,  lagu tuuray guri uu magaalada Baydhabo ka daganyahay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KGK-ahaa, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Khayr Hiiraale.

Saddexda qof ee dhaawacantay, ayaa kala ah Ex Xildhibaan Macalin Nuur Xasan Ibraahim, waxaana uu ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Nabadoon Maxamed Aadan Nuurow, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo gabar uu dhalay Ex Xildhibaan Maxamed Khayr Hiiraale.