Ciidamada Dowlada Oo howgalo Kasameeyay Balcad

24-kii Saac ee la oo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo tuulooyioin hoostaga degmadaasi.

Howlgallada ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay sigaar ah uga sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Balcad iyo sidoo kale Tuulada Gololeey ee duleedka Waqooyi ee Balcad,halkaas oo dhowr mar ay Al-Shabaab weeraro kala duwan ka geysteen.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) oo faah faahin ka bixinayay howlgallada ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro,isla markaana ay baaritaano gaar ah ku sameeyeen.

Waxaa uu sheegay taliye Tareedisho in dadka howlgalka lagu soo qabtay la kala saaray,isla markaana qaarkood la siidaayay halka kuwo kale oo labaatameeyo ah  lagu helay inay la Shaqeeyaan Ururka Al-Shabaab Maxkamadna ay horgeyn doonaan.