Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan MagaladaMmuqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamada ayaa baaritaano guri guri ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag iyo Warta-Nabada,waxaana siweyn looga dareemay howlgalkaas Magalada Muqdisho.
Sidoo kale Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal waxa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyada oo howlgalka laga sameeyey Goobo Ganacsi iyo Guyo ku yaalla deegaankaas.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo,waxaana howlgallada lagu qabqabtay dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo saacado kadib badankood la siidaayey.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliye Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhawaan sheegtay in howlgal laga fuliyey deegaanka Ceelasha Biyaha lagu soo qabtay keydkii ugu weynaa ee Hubka Al-Shabaab.