Ciidamada Dowlada Oo howgalo Saaka Kawada Degmada Afgooye

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay shegayaan Dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsan oo lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Howlgallada ayaa yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay xalay Afgooye ku dileen Nabaddoon si weyn looga yaqaanay Magaalada oo lagu Magacaabo  Xayeesi Mursal.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaama Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.