Ciidamada Dowlada Oo Howlgallo hublagu Soo qabtay Kasameeyay Magaalada Muqdisho

Sidda ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka caasimadda Muqdisho, howlgal hub lagu soo qabtay ayaa xalay laga sameeyay Degmada Warta nabadda.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale soo qabtay dadkii watay hubkaasi sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka.

Ciidamada Ammaanka ayaa Hawlgalkaasi ka sameeyay  Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda, waxaana halkaasi lagu soo qabtay laba Bistooladood.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinaayo tallaabada ciidamada ammaanka Muqdisho ay ku soo qabteen hubkaan.

Tuulax ayaa digniin u diray shaqsiyaadka hubka ku dhex wata Magaalada gudaheeda ee haddana aanan haysan aqoonsiga, wuxuu sheegay dadkaasi inay u aqoonsanayaan kuwa qal qalgelinaya ammaanka Magaalada.