Ciidamada dowlada oo howlgalo Ay kasameeyeen Muqdisho Dad kusoo Qabqabtay

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka in  lagu soo qabtay  shan bambaano, labo bistooladood iyo dukumiinti  ay soo qoreen  Al-shabaab iyo 6-ruux oo midi ay haween tahay.

Waxaa uu sheegay dadkaan lagu qabtay xilli ay ku gudah jireen Falal lidi ku ah Ammaanka Caasimadda ,islamarkaana  lagu wareejiyay ciidanka dambi barista eeCID.

“Howlgalkaan waxaa door weyn ka qaatay shacabka, waana muhiim wadashqeynta shacabka iyo laamaha amaanka, sidaa daraadeed waan u mahad celineynaa Bulshada reer yaaqshiid “ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa  sheegay in looga Baahanyahay dadka kireeya guryaha iyo kuwa ganacsatada ah  in ay waajib ku tahay hubinta dadka ay guryaha ka kireynayaan, taasi oo qeyb ka ah sugidda Amniga.

“Dadka kireeya guryaha waxaa looga baahanyahay in ay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan”ayuu yiri guddoomiye Tuulax.