Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Dad lagu Sooqabqabtay Kasameeyay Muqdisho

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hawlgal saacado badan qaatay oo qorsheysnaa waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwa NISA, iyo ciidanka Boolis Millataria ee dhawaan lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho, waxayna hawlgalkan si gaar ah uga sameeyeen Waaxda Maajo ee degmada Waaaberi.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay inoo sheegeen hawlgalkan in lagu qabtay dhalinyaro gaareysa 700, kuwaasi oo qaarkood uu tuhun ku jiro, balse baaritaan lagu kala saari doono.

Waxay kaloo saraakiishu inoo sheegeen inta uu hawlgalka socday in ciidamada ay si gaar ah u beegsadeen guryaha qaar oo bartilmaameed ahaa, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay gabaad ka dhigtaan xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Dhammaan dhalinyaradii lagu soo qabtay hawlgalka ayaa isla xalay waxaa la geeyay saldhig Galbed ee degmada Dharkeynley, halkaasi oo lagu kala saarayo cidii dambi leh iyo cidii aanan lug ku laheyn falalka ka baxsan ammaanka.

Waalidiintii dhalay dhalinyarada lagu soo qabtay hawlgalka ayaa saakay ku jarmaaday saldhig Galbeed, qaarkood oo inala soo xiriiray ayaa waxa ay inoo sheegeen in caruurtooda aysan laheyn wax dambi ah, iyaga oo codsaday in loo soo daayo wiilashooda.

Ilo xog ogaal ah oo dhanka Millatariga ah ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen hawlgalkan ragga lagu qabtay inuu ka mid aha ninkii degmada Waaberi ku dilay xilli habeen ah General Cabdulle (Qururux) oo horey u soo noqday Taliye ku xigeenkii hore ee saadka ciidanka xoogga dalka, 24-kii September 2017-kii.

Inta uu hawlgalkan socday ayaa waxaa saraakiisha ciidamada hoggaamineysay kormeer ugu tagay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Waaberi Xabad Raage Habar-waa iyo saraakiil kale.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya, maadaama maalmihii la soo dhaafay magaalada gudaheeda lagu dilay dad gaaraya 10 qof, kuwaasi oo qaarkood lagu dilay qarax, halka qaar kalena si toos ah loo toogtay.