Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Kasameeyay Afgooye

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Xaawo-taako oo ka tirsan degmada Afgooye,isla markaana ku baarayay guryo ku yaalla xaafadaasi.

Ciidamada howlgalka sameeeyay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Ciidamo cusub oo dhawaan halkaasi la geeyay,waxaana ay ku qabteen dad badan oo ay ku jiraan Macalimiin wax ka dhiga Iskuulo ku yaalla Degmada Afgooye,iyagoona la geeyay Saldhiga Booliska degmadaasi.

Ujeedka howlgalka laga sameeyay Xaafaddaha ay ka kooban tahay Degmada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay mid amniga degmadaasi lagu xaqiijinayay oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amniga lid ku ah.