Ciidamada Dowlada Oo howlgalo kawada Baladweyne

Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska Baladweyne ay howlgallo ka wadaan kadib dil xalay ka dhacay.

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Howl-Wadaag ee Baladweyne waxa ay ku dileen Nabadoon lagu Magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku dukaday Salaadii Cishaha.

Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa Xaafada Howl-Wadaag howlgalka ka sameynaya,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in howlgal lagu qabtay dad la tuhmayo hayeeshee ay dib ka faah faahin doonaan markii uu howlgalka oo geba gaboobo.

Maamulka Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan weli kama hadlin dilka Nabadoonka oo siweyn looga dareemay Guud ahaan Gobolka Hiiraan sigaar ah Magalada Baladweyne.