Ciidamada Dowlada oo howlgalo kawada duleedka Degmada Afgooye

Ciidamda dowlada Somaaliya ayaa howgalo amniga lagu xaqiijinayo kawada  degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna dagaal culus la galeen ciidanka dowladda oo gurmadyo kala duwan ka helay degaanka Bali-doogle iyo magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen intii uu dagaalka socday inay gudaha degmada ku arkeen dagaalyahano Shabaab ah oo hubeysan, gaar ahaan agagaarka Buundada Yar iyo fariisimo ciidanka dowladda ay leeyihiin.

Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen weerarkaasi inay kaga geeriyoodeen ilaa Saddex askari, sidoo kalena ay ka dhaawacmeen tiro kale, waxay kaloo tilmaameen inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha ka tirsan Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay toogteen laba qof oo goobo ganacsi ku lahaa fariisinka uu weerarka ka bilawday ee lagu magacaabo Mukayga, waxaana dadka ay Shabaab toogteen jiifeen xilligaasi goobohooda ganacsi.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha ciidanka in saakay ay gudaha degmada Afgooye ku arkeen meydka qof la gawracay oo la garan waayay, waxayna falkaasi ku eedeeyeen Al Shabaabkii xalay weerarka soo qaaday.

Askartii xalay lagu dilay weerarka waxaa ka mid ahaa wiil uu dhalay Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka ku sugnaa fariisinka Mukayga, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa hawlgallo gaar ah ka wada goobihii xalay uu ka dhacay weerarka, waxayna ku daba jiraan Shabaabakii weerarka soo qaaday.

Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegeen inay ku nool yihiin cabsi iyo inay ka fakaraan xilliga ay Shabaab weerar soo qaadayaan, waxayna dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ka dalbadeen inay la yimaadaan qorshe midkan ka duwan.