Ciidamada Dowlada Oo howlgalo Kawada Xaafado Katirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaam xalay ay howlgallo baaritaan ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir.

Howlgalkaas oo ay fulinayeen Ciidamada Taliska Booliska Waliyow Cadde ayaa waxaa lag sameeyey Xaafado dhowr ah oo ku yaalla degmada Howl-Wadaag,waxaana ciidamada qaarkood ay baarayeen guryaha ay dadka Shacabka ah degan yihiim.

Saraakiil dhinaca amaanka ah ayaa warbaahinta waxa ay u sheegen in hwolaglka lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro oo qaarkood la tuhmayo halka qaarkood lasiidaayey.

Howlgalka xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan degmada Howl-Wadaag ayaa daba socda howlgallo ciidamada Booliska todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir iyo duleedka Muqdisho.