Ciidamada Dowlada Oo Kacanta kudhigay Koox Burcad ah

Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Saldhiga degmada maanta waxa ay ku soo bandhigeen Afar nin oo maamulka ay sheegeen in ay dhac u geysan jireen shacabka ku dhaqan degmada.

Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Axmed (Cantoobo) ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa afar nin oo uu tilmaamay shacabka ku nool degmada in ay ka dhici jireen Moobilada iyo agabka kale ee muhiimka u ah.

Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha Hodan in raggan hada lagu hayo saldhigga degmada Hodan, markii la qabanayayna ay wateen Bastoolad iyo Afar Telefoonka gacanta ah, isaga oo intaas sii raaciyay in sharciga la horgeyn doono raggan.

“Shabakad Burcad hubeysan ah oo in badan lagu daba jiray ayey Hay’adaha amniga degmada Hodan gacanta ku soo dhigeen, howshaas waxaa ku mahadsan ciidamada amniga, raggan muddo ayaa baadigoob lagu hayay.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Hodan.

Hay’adaha ammaanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa mudo ku daba jiray raggan, maadaama shacabka mar hore ay ka soo gudbiyeen dacwad ah in kooxdan burcadda ay ka harsan la’yihiin.