Ciidamada Dowlada Oo kusugan koofur galbeed Oo digniin loodiray

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka hawlgala degaanada Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha iyo ciidamada kaga digay inay ku milmaan doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay inay qabsoonto 17-ka bisha soo socota.

General Ibraahim Yarow Isaaq oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku amray in aysan tagi karin doorashada, sidaasi darteedna qof walba looga baahan yahay inuu guto waajibka uu leeyahay.

Wuxuu sheegay ciidamada in aysan shaqo ku laheyn doorashada iyo arrimaha kale ee la xiriira siyaasadda, balse shaqadooda ay tahay sugidda ammaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad General Ibraahim Yarow Isaaq ayaa tilmaamay askarigii lagu arka doorashada isaga oo ku milmay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“Saraakiisha, saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, annnaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa”. ayuu yiri General Ibraahim.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ka harsan yihiin maalmo kooban.