Ciidamada Dowlada Oo la wareegay Xeradii Ciidamada Imaaraadka

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in ciidamada Milatariga ee sidda gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.

Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii shalay Iska hor imaad uu ka dhacay Xerada Ciidamada Imaaraadka, iyadoo taliska ciidanka Militariga Soomaaliya ay sheegeen in iska hor imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad Militari.

Xalay fiidkii ayaa lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Danab Xerada ciidanka Imaaraadka ee Degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.

 Ciidamadii Imaaraadka ee xeradan ku sugnaa, ayaa noqday kuwa la xiray iyo kuwa kala cararay, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Xeradaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya C/wali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad Militari kala baxaan Xerada Ciidamada Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Somalida.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wayn uga carootay falkii shalay ka dhacay Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan oo maalmo ka hor imaaraadka Carabta Saraakiishooda ay ku wareejiyeen taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.