Ciidamada Dowlada Oo Lawareegay Deegaano Ay gacanta ku hayeen Al-shabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa waxaa ay howlgal ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha gaar ahaan deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Dowladda ee Sonna ayaa lagu sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalkooda kula wareegeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, in kastoo faah faahin intaasi ka dheer aan laga sii bixin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgalkaas ku wehliyeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Mareykan ah oo dhinaca tababarada ka taageera Ciidamada dowladda.

Degmada Awdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhinaca galbeeed ka xiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana tira ka dhowr jeer isku bed bedalay gacan ku heynteeda Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.