Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kumaandoosta ee DANAB oo ay wehlinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saakay aroortii hore waxa ay howlgallo ka bilaabeen deegaanada ku yaalla Jiinka Wabiga Jubba ee degmada Jamaame.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in markii hore ay ciidamada dagaal kula wareegeen deegaan lagu Magacaabo malayley oo u dhow degmada Jamaame,isla markaana weli ay howlgalka sii wadaan.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in Goobta ay la wareegeen ay Al-Shabaab ku diyaarin jireen waxyaabaha qarxa,sida miinooyinka wadada la dhigo,kuwaas oo mararka qaar ay dadka Shacabka ah waxyeelo kasoo gaarto.
Mararka qaar ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in la maqlayo rasaas goos goos ah, hayeeshee aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay weli howlgalka wadaan.