Ciidamada Dowlada Oo sameyay Hawlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al Shabaab

Ciidamada Millatariga ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxa ay sameeyeen hawlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta gobolkaasi.

Hawlgalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe maqaaxi ku taalla degmada Ceelwaaq lagu weeraray qaraxyo, halkaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah, islamarkaana kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxa amniga gobolka Gedo Bile Wuufood Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al Shabaab, hadana lagu hayo baaritaano dheeraad ah, si sharciga loo horgeeyo.

“Hawlgalkaas si wanaagsan ayuu ku dhacay, ciidamada waxay soo qabteen xubno ka tirsan Al Shabaab, baaris ayaan ku wadnaa, shacabka ayay dhibaato ku hayeen, nimankan cadowga ah mar walba waxay isku dayaan inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah”. Ayuu yiri Bile Wuufood.