Ciidamada dowlada Oo Sugaya amaanka xarunta Golaha shacabka

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta Golaha Shacabka, maadaama maanta oo Isniin ah ay dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray wadoyinka ku dhaw dhaw xarunta Golaha Shacabka, waxaana halkaasi loo diidayaa in ay maraan Mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ay wataan masuuliyiinta Dowladda ee maraya agagaarka xarunta Golaha Shacabka ayaa laftirkooda la hubinayaa si looga hortago falal ka baxsan amniga inta ay socoto Doorashada.

 Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa inoo sheegay in xalay saq dhexe ay Ciidamo dheeraad ah geeyeen aagga xarunta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa u tartamaya ilaa 11 Musharax, waxaana Hotelada Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo looga arinsanayo Doorashada maanta dhaceysa.