Ciidamada Dowlada Oo Xiray Qaarkamida Wadooyinka Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa Maanta xiran Wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla,waxana loo diidayaa qaarkood in ay Gaadiidka isticmaalaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya aya taagan Isgoysyada qaar ee Muqdisho,iyaga oo u diidaya in Gaadiidka isticmaalaan marka laga reebo Gawaarida ay wataan madaxda Dowladda.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Almukarama,waxana lagu arkayaa dadka oo cagtooda maalaya,iyada oo ay u sii dheer tahay in Maanta Muqdisho uu roob ka da’ayo.

Isgoysyada Tarabuunka,Afarta Darjiino,Ceel Qalaw iyo Isgoysyo kale ayaa loo diidayaa in ay Gawaarida u kala gudbaan,waxana qaar ka mid ah Bulshada ku nool Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen maadaama ay u diyaar garoobayaan Maalinta ciidul Fidriga.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin xernaanshaha Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho,waxana weli socda dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho