Ciidamada dowlada Soomaaliya oo Howlgallo kawada Degmada Afgooye

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay warfidiyeenka  u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa Qarax khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, gaar ahaan xarun Dowladda Imaaraadka ay ciidamo ku tababarto.